U bood dhigaalka

Gaadiidka AMISOM Oo Saddex Qof Ku Jiirey Duleedka Muqdisho Iyo Dibadbax Socda

Sheeko:Dalka

Gaadiid ay leeyihiin ciidanka AMISOM islamarkaana marayey deegaanka Ceelasha biyaha ayaa lagu soo waramayaa iney jiireen Saddex wiil oo dhallinyaro ah.

Qof ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Goobjoog News u sheegay in Saddex gaari ay lahaayeen ciidanka AMISOM ay dhammaantood dul mareen wiilashan.

Saddex qof ee dhintey waxay saarnaayeen Mooto Labo lugood ah, waxaana mid kamid ah la xaqiijiyey inuu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka.

Gaadiidkii falkaan geystay ayaa goobta isaga baxsaday, balse waxaa isku soo baxay shacab badan oo ka carreysan falkan dhacay.

Waxaa deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ka soconaya dibadbax ay dhigayaan shacabka ku dhaqan deegaankaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News