U bood dhigaalka

Gaadiidka Dadweynaha Oo Dib Uga Howl Bilaabay Isgoyska Zoobe

Sheeko:Dalka

Saakay oo Sabti ah waxay gaadiidka dadweynaha dib u isticmaalayaan Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kadib qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyskaasi.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News oo soo maray halkaasi ayaa sheegaya in gaadiidka ay si caadi ah halkaasi u marayaan,  iyadoo aanay jirin ciidan celinaya ama sidoo kale caqabad kale oo hortaagan.

Wixii ka dambeeyay 14-kii bishan waxaa Isgoyskaasi loo diidey iney maraan gaadiidka dadweynaha, sababtuna waxay ahayd halkaasi aad bay u burbursaneyd, dib u dhisna waa lagu waday.

Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya dhallinyarada Muqdisho ayaa ku guuleystay in ay qaadaan dhammaan gaadiid ku gubtay halkaasi, wuxuuna sidoo kale maamulka uu dhisay laamiga Zoobe oo ku burburay qaraxii dhacay.

Goobjoog News