U bood dhigaalka

Gaadiidley Ka Sheeganaya Isbaaro Iyo Dhac Ay U Geystaan Ciidamada Dowladda

Sheeko:Dalka

Gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhaxeysa Gobollada Shabeellada hoose iyo Baay ayaa dowladda Fedaralka Soomaaliya waxa ay ka codsadeen in ay wax ka qabato ammaan darida ka jirta wadadaasi.

Gaadiidleyda ayaa waxa ay sheegeen in ay qaati ka taagan yihiin ciidamada milatariga Dowladda Soomaaliya kuwaas oo lacago baad ah ka qaada gaadiileyda isticmaasho wadada isku xirta gobolka Shabeellada hoose iyo Bay, iyaga oo tilmaamay in ciidamada ay mararka qaar ay kula kacaan dhac dadka shacabka ah ee saaran gaadiidka.

Dadkaan gaadiidleyda ah ayaa waxay sidoo kale sheegeen in awal ay mari jireen waddooyin qardo jeex ah maadaama ay isbaarooyin dhigteen ciidamda wadadii ay mari jireen, iyaga oo hadda sheegay in la galay xilli roobaad ayna u baahanyihiin inay maraan wadada laamiga ah.

Gaadiidleyda, waxaa ay sheegeen in haddii aan wax laga qaban ammaanka wadada ay gabi ahaamba ay iska joojin doonaan socdaalka.

“Waxaan ka codsaneynaa ra’iisulwasaaraha iyo wasiirka gaashaadigga inay faro galiyaan arrimaha gobolka shabeellada hoose, waan ka mari weynay daafeed ilaa iyo afgooye ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaa ciidamada milatariga oo jooga goobahaas, ciidamada waxay kula kacaan dadka saaran gaadiidka dhac, kufsi iyo dil”.

Wadayaasha gaadiidka ayaa waxay sheegeen in ciidamada dowladda ay kula kacaan falal ka fog bani’aadanimada iyagoo xusay inaysan ka qaadin lacago go’an oo ay ka qaadaan taas badalkeeda wixii ku soo dhaco niyadooda.

Inta badan ciidamda dowladda ayaa waxay lacago baad ah ka qaadaan wadayaasha gaadiidka oo istcimaalo wadad isku xirta gobolka shabeellada hoose iyo bay waxayna u geestaan ciidamadaan dadka rakaabka ah dhac, boob, dil iyo kufsi,ilaa lyo hadana ma jirto cid wax ka qabanayso arrintaasi.

Goobjoog News