U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Digniin Loo Diray Dadka Iibiya Raashiinka Bisil, Bisha Ramadaanka

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan cid walbo oo maalin cad iibisa raashiinka bisil inta lagu guda jiro bisha Ramadan.

Xirsi Yuusuf Barre, guddoomiyaha degmadaasi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aysan qabali doonin in maqaayado qarsoodi ah iyo kuwo muuqdaba raashiin lagu iibiyo maalin cad iyadoo lagu guda jiro bisha Ramadan.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ammar ku qabaan iney gacanta kusoo dhigaan cid walbo oo raashiin iibineysa, sharcigana la marin doono.

“Waxaan farayaa ciidamada ammaanka iney soo qabtaan cid walbo oo amniga wax u dhimeysa, sidoo kalena soo qabtaan dadka masoomayaasha wax u karinaya ee maqaayadaha qarsoon iyo kuwa muuqdo leh, annaga sharciga ayaan horgeyn doonnaa cid walbo oo maalin cad iibisa raashiin bisil” ayuu yiri guddoomiyaha.

Mararka qaar ayaa la arkaa maqaayado si qarsoodi ah looga cunteeyo oo maalin cad oo Ramadan ah furan, waana midda keeta in digniin ay ka diraan maamulka Gaalkacyo.

Goobjoog News