U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga Oo La Diiday

Sheeko:Dalka

Suuqyada magaalada Gaalkacyo ayaa la soo sheegayaa in maanta mar kale la diiday lacagta shillinka Soomaaliga.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa wax lagu kala iibsanayaa lacagta dollarka Maraykanka, iyadoo aysan jirin meel shillinka Soomaaliga laga isticmaalayo.

Dadkii haystay lacagta shilin Soomaaliga una badnaa muruq maalka waxaa maanta soo wajahay xaalad adag,  kadib markii ay waayeen cid wax uga iibsata lacagahooda.

Cali Xuseen Cali, waxa uu kamid yahay golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, wuxuu u sheegay Goobjoog News, in lacagaha maanta la diidey ay dad badan saameysay, ayna middani kasii darsiin doonto xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.

“Dadka oo markii horeba abaartu saameysay ayaa hadana maanta waxaaba la diiday in shilin Soomaaliga wax looga iibsado dadkii, xaaladda meel halis ah bay mareysaa, dadkii masaakiinta ahaa iyaga oo lacag haysta ayeey hadana baahan yihiin” ayuu yiri Cali Xuseen.

Deegaanno badan oo kamid ah gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bakool waxaa horey looga diiday qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga, welina waa ay taagan tahay saameynta arrintaasi ay reebtay.

Goobjoog News