U bood dhigaalka

Gaalkacyo: Waxgarad Eedeeyay Dowladda Itoobiya

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku eedeeyey dowladda Itoobiya iney wax ka ogtahay dilalka ka dhaca xadka dalkaasi ee dhanka gobolka Galgaduud.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradkan ayaa sheegay in marar badan dilal ay kusoo noq noqdeen deegaanka Kaxandhaale, islamarkaana dadka falalkaasi sameynaya ay ka yimaadaan deegaannada Itoobiya Maamusho.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug laga doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan xaaladdan soo noq noqtay oo ay la hadlaan dowladda Itoobiya.

“Horta waxa ka dhacay Kaxandhaale Itoobiya waa ay ka warhaysaa, horey waxay u ogolaadeen in shacabkii ka barakacay deegaankaasi ay si nabad ah kusoo noqdaan, balse hadana waxaa wax dilaya ciidanka Liyuu Booliis oo hoostaga dowladdan, waxaan u baahannahay in dowladda dhexe ay Itoobiya kala hadasho shacabka sida micno darada ah lagu laynayo, sidoo kalena Galmudug waajib baa ka saaran iney xiriir la sameyso Itoobiya” ayuu yiri Nabadoonka.

Talaadadii shalay, maleeshiyaad hubeysan ayaa deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud waxay ku dileen Afar qof oo shacab ah, waxaana la sheegay in maleeshiyaadka wax dilay ay ka yimaadaan dhanka Soomaali Galbeed.

Goobjoog News