U bood dhigaalka

Gaas Oo Baarlamaanka Labada Aqal Kala Hadlay Arrimaha Fedelism-ka, Qeybiga Kheyraadka Iyo Arrimo Kale

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ayaa xalay kukan gaar ah ku yeeshay magaaladsa Muqdisho.

Kulankan waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha federalismka iyo dastuurka, qeybsiga kheyraadka, amniga iyo horumarka, waxaa kale oo lagu soo qaaday sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xog-waramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda Puntland, shacabka ku dhaqan Puntlandna ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland.

Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa meel uu mudan yahay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u matalaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalka.

Goobjoog News