U bood dhigaalka

Gaas Oo Dhaliilay Dowladda Turkiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntlan C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda Turkiga aaney fulin balanqaadyo dhowr ah oo ku aadan mashaariic ay ka fulineyso deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay Gaas in Turkiga oo sanado badan jooga Soomaaliya aysan illaa iyo hadda qaban shaqo muuqato oo la garan karo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Arinta kale waxaa waaye Turkiga in badan ayuu Soomaaliya joogaa laga soo bilaabo 201- kii wax shaqo ah oo muuqato oo la garan karo kama aysan qaban , waxaan ka wadahadleynay safiirka oo aan ku adkeeyay in deeqda Soomaaliya loogu talogalay in ay Punland ay uga fadhiso, in badan ayeey yimaadeen oo ay nagu soo laab laabteen, ballanqaadyo badan ayay horey u sameeyeen inay fulinayaan ayay naga ballanqaadeen, taasna dabogalkeedii waa mid  meesha ku jirta oo in laga wado hadlo ayay ahayd” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale Gaas ayaa sheegay in kulamo horey ula qaateen mas’uuliyiinta safaaradda Turkiga ee Soomaaliya iyo hay’adaha dalkaasi ay ku balanqaadeen in ay dhisi doonaan Isbitaallo iyo xafiisyo kale, balse illaa hadda aysan halkaasi imaan.

“Waxay ballan qaadeen wax badan oo ay ka mid yihiin Isbitaallo waana sugayanaa Insha Allah bisha 21-keeda waxa ka dambeeya waxay soo diri doonaan guddi oo kormeer ah wayna na soo wargalin doonaan iyo sidoo kale inay soo diraan hay’adda Turkiga u qaabilsan dhanka horumarinta inay timaado gobolka, hadda ka horna waxay ballan qaadeen inay xafiis ka furan doonaan magaalda Garoowe iyo Gaalkacyo welina ma hayno”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa codsaday in ka Puntland ahaan loo tababaro ciidamo, gaar ahaan kuwa cirka oo uu sheegay in dowladda Turkiga hadda ay tababarto kuwo badan oo Soomaaliyeed.

“Waxaan kawada hadlanahy sidoo kale dhanka tobabrka ciidamada, sababtu waxaa  waaye waxay aad iyo aad u tobabaraan ciidan badan oo Soomaaliyeed oo nuuc walbo leh oo hada ay gaareen inay tobabaraan dadkii diyaaradaha waday, wax Puntland oo arintaasi qeyb uga jirtay ma aysan jirin”  ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Gaas.

Goobjoog News