U bood dhigaalka

Gaas Oo Magacaabay Wasiiru Dowlayaal Iyo Wasiiru Ku Xigeenno

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay wasiiru dowlayalaa iyo wasiiru ku xigeenno, kadib wareegtu uu soo saaray.

Afar mas’uul ayuu Labo kamid ah u magacaabay Wasiiru dowlayaal, halka Labada kalena uu madaxweyne Gaas u magacaabay wasiiru ku xigeen.

Wareegtada hoos ka akhriso:

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey.                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu latashaday:             Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
  1. Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.
  1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.
  1. Waxaa Dr. Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.
  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

–DHAMMAAD—

Mawduucyada:Gobollada