U bood dhigaalka

Gaas “Puntland Shacab Iyo Ciidan Wey Ku Filan Yihiin Difaaca Dhulkooda”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaalkii Labo

maalin kahor ay ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxa uu sheegay Gaas in Puntland shacab iyo ciidanba ku filan yihiin difaaca dhulkooda, isaga oo weerarkii Somaliland kusoo qaadday Tukaraq ku tilmaamay mid garab lagu siinayo waxa loogu yeero argagaxisada.

C/weli Gaas ayaa u sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan beesha caalamka in wax walbo oo dhaca ay mas’uul ka tahay Somaliland.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa ku celiceliyey in dhulkooda ka difaacan doonaan Somaliland.

8-dii bishan, ciidamada Somaliland ayaa weerar ku qaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland.

Goobjoog News