U bood dhigaalka

Gabar Muslimad Ah Oo Loo Diiday Inay Soo Gasho Jaamacadda Gudaha Nigeria

Sheeko:War

Jaamacad ku taallo Nageria ayaa waxay u diiday gabar arday  ah oo Muslimad ah, dhigatana kulyadda xuquuqul insaanka inay soo xaadirto xaflad lagu qabanayey gudaha kuliyadda.

Sababta gabadhaan looga celiyey inay soo gasho hoolka xafladda ay ka dhaceyso ayaa lagu sheegay in soo xiratay xijaab ayna khilaaftay sharciyada u yaallo Jaamacadda.

Gabadhaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Amaasa Fardowsa waxayna si kadis ah ula kulantay in laga celiyo inay gasho gudaha hoolka Jaamacadda ee Alorin kuna taallo gobolka Quara ee galbeedka Nigeria, halkaasi oo ay ka dhaceysay xaflad gabadhaan ayaa madaxa ku soo daboolatay xijaab waxayna ka hor imaaneysaa sharciyada jaamacadda u dagsan. Fardowsa yaa diiday codsiga mas’uuliyiinta Jaamacadda oo ahaa inay siibto xijaabka, waxayna ku adkeysatay inay ka dul xiraneyso tin buroko ah xijaabka dushiisa ayna siibeyn sidaasi waxaa sheegay warbaahinta Nigeria.

Jaamacadda ayaa ku adkeysatay go’aankeeda waxayna hoosta ka xariiqday in gabadhaan ardayadda ah ay sharciga direyska kulyadda .

Fardowsa ayaa dhankeeda ku tilmaantay waxaa ay sameyneyso jaamacadda inay ka dhigantahay inay ku tumaneyso xaquuqda ay laheyd. Dhacdadaani ayaa waxaa aad u hadal haya warbaahinta Nigeria sidoo kale waxaa ay ku faaftay baraha bulshada ay ku xariirto ee gudaha Nigeria.

Dadka isticmaalo baraha bulshada ee Nigeria ayaa waxay la safteen gabadhaan iyaga oo muujiyey inay ku dhaganaato go’aankeeda ilaalisana xaquuqdeeda,halka qaar kale ay leeyihiin waa in ay u hogaansanaantaa sharciyada u yaallo jaamacadda.

Goobjoog News