U bood dhigaalka

Galgaduud: Dadka Uu Soo Ridanayo Cudurka Shuban Biyoodka Oo Sii Kordhay

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa sii kordhaya dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka ee gobolka Galgaduud, iyadoo xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolkaasi la geynayo dad badan.

Isbitaalka degmada Cadaado waxaa la dhigay dad gaaraya 150 ruux oo qaba cudurka shuban biyoodka, waxaana dadka intiisa badan laga keenay deegaanno uu kamid yahay Iidoole ee gobolka Galgaduud.

Saraaskiisha caafimaadka ee Isbitaalka degmada Cadaado ayaa u sheegay Goobjoog News, in cudurkaasi ay u dhinteen ugu yaraan 5 qof, iyadoo dadka uu sooritey u badan yahay carruur.

Dr. Maxamed Cumar Yuusuf , agaasimaha isbitaalka degmada Cadaado ayaa sheegay in cudurka dadka uu soo ridanayo uu aad u kordhay, islamarkaana dadku u baahanย  yahay gurmad dhan walbo ah.

Dhanka kale waxaa jirta dedaal ay sameeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo Isbitaalka Cadaado dadka ku xanuusanaya gaarsiiyey lacag iyo sidoo kale dawo si dadka loogu muujiye barbar istaag.

Cudurka shuban biyoodka ayaa ka dilaacay deegaanno badan oo gobollada dalka ah,ย  waxayna dadka u baahan yihiin gurmad xooggan oo dhanka caafimaadka ah.

Goobjoog News