U bood dhigaalka

Galgaduud: Qoysas Gurmad Dalbaday, Abaarta Darteed

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan deegaanno kamid ah gobolka Galgaduud ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ay hayso, kadib markii ay ka dartay abaarta ka jirta gobolkaasi.

Qoysas aan badneen oo ku harsan deegaannada Miyigi ah ee gobolka Galgaduud ayaan weli kasoo barakicin abaarta ka jirta halkaasi, iyaga oo quud dareenaya iney isbedasha xaaladda, xoolo yar oo ay haystaanna waa kuwo aad u liita.

Dadkan oo aynu kula kulannay deegaanno ku dhow deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa u sheegay Goobjoog News, iney u baahan yihiin biyo nadiif ah iyo raashiin.

Xoolo badan ayeey sheegeen iney ka dhammaadeen, kadib markii biyo la’aan daran ay soo wajahday, waxayna ugu baaqeen maamulka Galmudug, dowladda Federaalka iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah lala soo gaaro.

“Booyad ayaan biyo ku keensan jirnay, hadane maba lahan, xoolaha wax ay cunaan maleh, anagane sidoo kale, waxaan u baahannahay in gurmad dhan walbo leh nalala soo gaaro” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadkii aan la kulannay.

Abaarta dalka ka jirta ayaa aad u saameysay dadka iyo duunyada, iyadoo weli gurmadkii loo baaahnaa aaney helin deegaannada qaar.

Goobjoog News