U bood dhigaalka

Galgalgaduud: Maamulka Oo Dawooyin Gaarsiiyey Deegaanno Uu Ka Jiro Shuban Biyood

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka gobolka Galgaduud ayaa sheegay in wadaan dadaalo gurmad caafimaad lagu gaarsiinayo ย bukaano la ildaran xanuuno kala duwan kuwaas oo kunool degaanada gobolkaasi .

Wafdi isugu jira maamulka gobolkaas, wasiirro, xildhibaanno iyo koox dhaqaatiir ah ayaa daawooyinka lagula tacaalo shuban biyoodka waxay gaarsiiyeen magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi ayaa u sheegay Goobjoog in xaaladda ay aad uga sii dartay islamarkaana dad aan xisaab lahayn uu soo ritay.

Waxa uu sheegay in weli dadku ay u baahan yihiin kaalmooyin caafimaad oo aynaan ku filneyn daawooyinka ay gaarsiiyeen.

Abaaraha jira oo sabab u noqday biyo yari ayaa keenay cudurka Shuban Biyoodka iyo cudurro kale oo ka dhasha biyaha wasaqeysan sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee degaanka.

Goobjoog News