U bood dhigaalka

Galkacyo: Arday Ka Kala Socotay Galmudug iyo Puntland Oo Dibad-Bax Nabadeed Dhigtay

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Magaaladda Gaalkacyo ee ka soo kala jeeda dhinacyada Puntland iyo Galmudug ayaa dhigay dibad-bax nabadeed kaasi oo ay ku dalbanayeen in la xoojiyo Nabad kuwada Noolaashaha Gobalka Mudug.

Bannaan-bax lagu muujinayey nabadda ku wada noolooasho ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal arday ah kuwaas oo wax ka barta Iskuulada kala gedisan ee ku yaallo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya.

Ardada bannaan-baxa dhigeysay ayaa waxay ka soo kala jeedaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo in muddo ah ku dagaalamayey Gaalkacyo,waxayna ardadaan ay codsanayeen in la qoojiyo deganaashaha iyo nabad gelyada magaalada.

Dibad-baxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururka is dhexgalka dhalinyarada oo dhawaan laga dhisay Gaalkacyo,ardadaan ayaa waxay socdaal dheer ku mareen wadooyinka waaweyn ee dhex mara magaalada Gaalkacyo.

Waa markii ugu horeesay oo si wada jir ah ardayda wax ka barata Magaladda Gaalkacyo ay dhigaan Dibad-bax  nabadeed waxaana ammaanka goobaha uu ka dhacay isa soo baxaan sugayay Ciidamada isku dhafka ah ee loo xilsaaray amaaanka Gaalkacyo.

Goobjoog News