U bood dhigaalka

Galkacyo: Ganacsatada Koonfurta Iyo Waqooyiga Oo La Mideeynayo

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Galkacyo lagu qabtay kulan looga hadlayey  ganacsiga, horumarinta iyo midnimada labada dhinac kaasi oo ka dhacay magaaladaasi, waxaana soo qaban-qaabisay kulankaani rugta ganacsiga iyo warshadaha Galmudug.

Kulankaani ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada Gaalkacyo ganacsatada odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada ee ku nool halkaasi.

Deeqo Axmed Ducaale oo ka mida dadkii kulanka soo qaban-qaabiyey ayaa faafaahin ka bixisay muhiimadda kulanka uu u leeyahay ganacsatada Galkacyo.

“Ujeedkeennu waxaa uu ahaa in la mideeyo rugta ganacsiga galmudug iyo Puntland si ay ganacsatadu uga qeyb qaadato xalka dib u heshiisiinta iyo in xal waara loo helo deegaanka”.

Duqa degmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa soo dhaweeyay kulankaan looga hadlayey is dhexgalka gobolka.

“ Waxaan aad iyo aad u soo dhaweyneynaa kulankaani ganacsatadu waa xubin muhiim ah waxaana looga baahanyahay in nabadda xageeda ay wax u riixaan “.

Qaar ka mida ganacsatada magaalada Galkacyo ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan kulanka looga hadlayo midnimada ganacsiga isla markaana lagu horumarinayo ganacsiga gobolka.

Goobjoog News