U bood dhigaalka

Galmudug: Baarlamaanka Oo Isku Raacay Xubnaha Guddiga Doorashada

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Isniin ah isku raacay in guddiga doorashada madaxweynaha ay noqdaan 11 xubnoo oo baarlamaankaasi iska soo dhex xulay.

Gudoomiyaha baarlamaankaasi Cali Gacal Casir ayaa ku dhowaaqista guddigan kadib waxa uu la kulmay xubnahan, waxaana uu kala hadlay sidii ay si waafi ah howshaan uga soo bixi lahaayeen.

11-kan xubnood ee loo doortay guddiga doorashada madaxweynaha ee Galmudug ayaa badankooda waxay kamid ahaayeen guddiga doorashada ee maamulkaasi.

Guddoomiye Casir oo saxaafadda lahadlay ayaa faah faahiyey xubnaha guddiga, shaqooyinka laga doonayo iyo sidoo kale wixii ay ka wada hadleen.

“Waxaan rabaa inaan saxaafadda uga faa’ideysto maanta oo taariikhdu tahay March 27, 2017, inuu fariistay baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, islamarkaasina la horkeenay guddigii doorashada, oo horay u dhisnaa iyo xubno laga bedalay lagu yeeriyey hortooda, maantana halkan waxaa fadhiya guddigii isaga ahaa oo diyaar u ah iney gutaan waajibaadkoodii doorasho ee horyaalla dowlad goboleeda Galmudug oo ay ka dhiman tahay muddo yar oo kooban, waxaan rabnaa in howshooda iyagana ay horey u galaan, waajibaadkoodana ay gutaan iyagoo ka faa’ideysanaya waqtiga gaaaban ee haray, howsha loo diray mid sahlan ma ahan, waa masiir umadeed, waxa uu keenayaa waajibaad badan, aad ayaan ugu mahadcelinayaa baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, sida hagar la’aanta ah ee ay usoo xaadireen” ayuu yiri guddoomiye Casir.

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maalin kahor isku raacay in doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi ay dhacdo 10-ka bisha April ee 2017.

Goobjoog News