U bood dhigaalka

Galmudug: Imise Maalin Ayuu Dastuurka u Ogolaanayaa Xildhibaannada Iney Kusoo Doortaan Madaxweyne Cusub

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Guddiga xeer hoosaadka Barlamanka maamulka Galmudug Xildhibaan Cabdiweli Cali Mxamuud ayaa ka hadlay xilliga uu dastuurka maamulkaasi ogolaanayo in madaxweyne lagu doorto iyo cida hoggaamineysa kahor doorashada madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in muddada Dastuurka Galmudug uu qabo ay tahay markii madaxweyne shaqada baneeyo in mid kale lagu soo doorto 30 cisho gudaheeda.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in mudadaasi uu xilka sii haynayo madaxweyne ku xigeenka taasi oo markii uu meesha ka baxo madaxweynaha si toos ah dhanka ku xigeenka shaqada usoo aadeyso.

“Dastuurka waxa uu qabaa in Doorashada madaxweynaha Bil gudaheed in lagu soo doorto madaxweyne kale marka booska uu baneeyo madaxweynihii joogey,  dastuurka dabcan wuu badanyahay oo hadda cidna masoo koobi karto, laakiin madaxweynuhu markuu xilka ka tago waxaa qoraya qadobka 52-aad, marka uu madaxweynu uu mudada xilkiisa ay ku egtahay  waxaa kaloo ka horreeya qodobka 49-aad oo isaguna tilaamamayo xil luminta madaxweynaha, qodobadaas oo dhan marka madaxweynuhu booska uu ka dhamaado waxaa si toos ah ula wareegayo madaxweyne ku xigeenka, waxaana ka xusi karaa haddii rabbi idmo qodobada ay ka midka yihiin 53-aad farqadiisa Koowaad waxay leedahay haddii uu madaxweynaha uu maqanyahay waxaa siihaynaayo xilka madaxweyne ku xigeenka, haddi madaxweynaha iyo ku xigeenkiisana ay maqan yihiin waxaa sii haynayo xilka guddoomiyaha golaha sharci dajinta Saddex haddii guddoomiyaha golaha sharci dajinta uu maqanyahana waxaa sii haynayo xilka guddoomiye Labaadka ee golaha sharci dajinta”

“Dastuurka waxa uu qorayaa in madaxweynaha muddo bil gudaheed lagu soo doorto dabcan waxaa jira awood ugaara oo u leeyahay guddiga doorashada oo ku saabsan haddi rabi idmo qaabka farsamada ah oo doorashadu u dhaceyso iyo waxyaabaha caqabadaha ah oo yimaado”

Madaxweynihii maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu si rasmi ah isaga casilay xilii uu hayey arrimo caafimaadkiisa ku saabsan darteed.

Goobjoog News