U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Shir Uga Furmaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa la qorsheynayaa in magaalada Muqdisho uu wada hadal uga furmo maamulka Galmudug iyo sidoo kale maamulka Ahlu-sunna ee gobollada dhexe.

Cismaan Maxamed Cali, wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka warhayaan oo kaliya dhankooda in lagu soo wargeliyey wada hadalka inoo furmo maanta oo Sabti ah, balse laga yaabo in wax ay isbedalaan.

Wuxuu sheegay in dhamman xubnaha Galmudug u matalaya shirkan ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, dhanka Ahlu-sunna ay sidan oo kale ka rajeynayaan.

“Annaga sida warka aynu ku hayno Sabti ayuu shirka ka furmi doonaa magaalad Muqdisho, anagane dhankeenna diyaar baan nahay, kolley dhanka Ahlu-sunna sidaas baan ka rajeyneynaa, balse waxaan idiin sheegayaa in Glmudug ay mar walbo diyaar u tahay wada hadal iyo dib u heshiisiin” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garwadeen ka ah shirka Ahlu-sunna iyo mamulka Galmudug, waxaana la filayaa in is faham ay Labada dhinac gaaraan kahor 30-ka bishan.

Heshiis dowladd dhexe iyo Galmudug ku dhexmaray magaalada Cadaado waxaa 20 cisho dib loogu dhigay doorashadii maamulkaasi oo dhici lahayd 10-kii bishan.

Goobjoog News