U bood dhigaalka

Galmudug: Kiiladii Khaatka Oo Lagu Canshuurayo $2.5 & Diyaaradaha Oo La Amray In La Diiwaangeliyo

Sheeko:Dalka

 

Maamulka Gamudug ayaa maanta sheegay in diyaaradaha khaatka ee ka dega deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi iyo sidoo kale kuwa kale ee caadiga ah laga doonayo iney qaataan aqoonsi muddo 7 cisho ah gudaheed.

Wasiirka maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad Shirwac ayaa sheegay in mudadaasi wixii ka dambeeya aan la aqbli doonin diyaarad aan haysan aqoonsi, islamarkaana kasoo degta garoomada Galmudug.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ganacsatada khaatka keena deegaannada Galmudug laga doonayo iney is diiwaangeliyaan sidoo kalena soo caddeeyaan khaatka ay keenaan inta uu la egyahay.

Wasiir Shirwac ayaa dhanka kale sheegay in Kiiladii khaatka ah lagu canshuuri doono lacag dhan Labo doolar iyo Bar.

“Waxaan u sheegeynaa dhammaan ganacsatada khaatka iyo kuwa diyaaradaha ku shaqeysta iney garoomada Galmudug kasoo degi karin diyaarad aan wadan ogolaansho, kadibna ganacsatada khaatka waxaan u sheegeynaa in laga rabo Kiiladii $2.5, waxaana rabnaa muddo 7 maalin kahor ah iney diiwaangeliyaan ganacsade kasto garoonka uu ka dego iyo khaatka uu dejiyo Kiilo Garaamkiisa” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Galmudug.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada