U bood dhigaalka

Galmudug Oo Maxkamadeyneysa Rag Burcad Badeed Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maxkamad ay soo taagi doonaaan Afar ruux oo ka tirsan kooxaha burcad badeedda Soomaaliya, kuwaasi lagu qabtay howlgal ay ciidamada maamulkaa ka sameeyeen gobolka Mudug.

Maxamed Yuusuf Xaashi, taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in raggan ay soo qabteen hadda lagu hayo degmada Hobyo,  islamarkaana dhowaan loo gudbin doono maxkamadda gobolka Mudug.

“Nimankaan waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda gobolka Mudug, waa Afar kuwii la socday kahor howlgalka ayeey wada hadal ku baxeen laakiinse kuwaan waa kuwii is adkeeyay, waana la qabtay, Hobyo ayaa lagu hayaaa, waana la maxkamadeynayaa” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada Nabad sugidda, qeybta Galmudug ayaa shalay ku guuleystay iney soo badbaadiyaan 8 badmaax oo u dhalatay dalka India, kuwaasi oo la socday doon ay kooxda burcad badeedda qafaasheen.

Maamulka Galmudug ayaa horey u sheegay ineysan aqbali doonin in burcad badeedda ay deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo kusoo qafaashaan, Maraakiib iyo Doonyo.

Goobjoog News