U bood dhigaalka

Galmudug Oo Xoojineysa u Gurmashada Dadka Ay Abaartu Saameysay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gargaarka ee Galmudug ayaa sheegtay in ay Labo jibbaari doonaan gurmad Bini’aadannimo ee la gaarsiinayo dadka ay abaaruhu asiibeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Mahad Maxamuud Cali oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in hadda ay degaannada Galmudug ay ka socdaan gargaarka la siinayo dadka ku xoolo beelay abaarta.

Wuxuu sheegay in dhibaatada abaaraha ay sababeen ay kamid tahay in qoysas badan ay kasoo hayaameen degaannada miyiga ah kaddib markii ay ku xoolo beeleen.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in WFP ay ballan qaaday in gargaaridda dadkani la xoojin doono, islamarkaana hay’adaha kale iyana ay kala hadli doonaan.

“Annaga ka maamul ahaan dedaal badan baan wadnaa, waxaan xoojin doonnaa gurmadka la siinayo dadka ay abaartu saameysay, sidoo kale hay’ado badan baan la hadalnay, WFP balan ayeey inooga qaaddey in kaalmada ay dhankeeda ka xoojin doonto, hay’ado kalena waan la hadli doonnaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Deegaannada Galmudug waxaa aad u saameysay abaarta, iyadoo dadku weli yihiin kuwo u baahan gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News