U bood dhigaalka

Galmudug: Raali Kama Nihin Dagaalka Xeraale

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in marnaba aanay raali ka ahayn ka maamul ahaan dagaalka Xeraale, kaasi oo u dhaxeeya ciidamo taabacsan maamulkaasi iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in dagaallo ay dhacaan xilli shacabka deegaannada Galmudug ay abaar saameysay.

Waxa uu ku baaqay madaxweyne Carabey in la joojiyo dagaalka, islamarkaana dadka deggan Xeraalle loo madaxbaneeyo iney ka tashadaan aayahooda.

Sidoo kale Mudane Carabey ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka Xeraale, lana joojiyo dhiigga shacabka ah ee daadanaya.

“Runtii aad baan uga xunnahay dagaalka ka dhacay Xeraale, runtii marnaba raali kama nihin dagaalkaasi, waxaan ku baaqeynaa in xabadda si degdeg ah loo joojiyo, dadka deegaankana faraha looga qaado iney ka tashadaan aayahooda, waxaan leenahay waa qalad in dadka lasoo dhexgalo, abaar ayaa ka jirta Galmudug, iyadoo dhibaatadaasi jirto in hadane ay dhintaan shacab waa ayaan darro, waxaan ku baaqeynaa xabad joojin, waxaan leenahay kaalaya miiska wadahadalka” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Inta la hubo 20 qof ayaa ku geeriyootey dagaalka ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dagaalladaasi dad ka badan 50 qof.

Goobjoog News