U bood dhigaalka

Galmudug: Wasaaradda Maaliyadda Oo Shacabka U Soo Bandhigtay Fursado Shaqo

Sheeko:Dalka

Dad ka badan boqol qof oo ka kooban rag iyo dumar ayaa maanta u fariistay Imtixaan fursado shaqo ah kaasi oo ay soo bandhigtay wasaaradda maaliyadda Galmudug.

Konton iyo labo qof ayey u baahantay wasaaradda inay shaqaaleysiiso waxaana fasallada dadka ay intixaanka ay ku galayeen kormeeray maanta wasiiro ka tirsan Galmudug.

Maxamed Axmed Faarax oo ah wasiir ku xigeenka maaliyadda Galmudug ayaa sheegay in tani tahay fursad wanaagsan oo ay ka faa’ideysan doonaan dadka nasiibka u helay,waxaa uu intaas ku daray in fursadaha shaqo aysan intaan ku e keen oo ay jiri doonaan kuwo kale oo imtixaan loo gali doono.

“Shaqaalaha waxaa la soo xayisiiyey waqti hore dad badan ayaa soo codsadeen tarida lagu soo saarana waa konton iyo labo qof,waxaan filayaa konton iyo labo qof oo anfacda Galmudug waxaa looga baahanyah qaban kara inay ka soo baxaan ayaan rajeynayaa”.

Wasiirka waxaa uu hoosta ka xariiqay in qof walba lagu qaadan doono kartidiisa iyo aqoontiisa waxaana shaqaaleysiinaya dadkaani oo ay marayaan xafiiska gudiga shaqaaleysiinta rayidka ee Galmudug.

Dhanka kale wasiirka shaqada iyo shaqaalaha maamulkaasi Axmed Mire Faafaale ayaa la dardaarmay dadkii u fadhiyey imtixaankii ay fursadda shaqo ay ugu tartamayeen, waxaa uu tilmaamay in wasaaradaha kale ay dhawaan shaqaale qaadan doonaan loona gali doono imtixaan.

“ Iney shaqaalo qaataan wasaaradaha dhan ee Galmudug waa shaqo hadda bilaabatay, wasaaraddii ugu horeysay oo shaqaale intaan la eg qaadato waa wasaaradda maaliyadda “.

Galmudug ayaa dhawaan sheegtay in ilaa kun qof la shaqaaleysiin doono kuwaas oo badankood ka howlgali doono wasaaradaha kala duwan ee maamulkaasi.

Goobjoog News