U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaan Eedeeyay Ciidamada Liyuu Boolis

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi  oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in ciidamada Liyuu Booliis ee ismaamulka Soomaali Galbeed ay dhibaato ku hayaan shacabka Galmudug.

Waxa uyu sheegay xildhibaanka in ciidankaan ay qafaasheen Labo Haween ah, taasina ay keeni karto xasilooni darro iyo colaad hor leh.

Dowladda Itoobiya ayuu ugu baaqay inay ka shaqeyso wada noolaanshiyaha bulshada Labada dhinac haddii kale arrintani ay keeni karto cawaaqib xumo aad u xun.

“Waa arrin aad iyo aad looga xumaado in hadda haween Soomaaliyeed, waliba Galmudug ah ay qafaashaan ciidamada Liyuu Booliis waa arrin cawaaqib xumo ay ka dhalan karto, waa arrin loo baahan yahay in degdeg wax looga qabto, dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqeynaa maadaama ciidankaan iyo maamulkaba iyaga hoostago iney degdeg wax uga qabtaan arrintan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dhanka kale xildhibaan Cabdi ayaa sheegay in dhanka Galmudug dadka deggan aanay wax dhibaato ah waligood u geysan shacabka deggan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Soomaalida Itoobiya, ayna ilaalin jireen mar walbo derisnimada iyo wada noolaanshiyaha.

Ugu dambeyn xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in iyaduna ay degdeg wax uga qabato dhibaatada ay ciidanka Liyuu Boolis ka geystaan deegaannada Galmudug.

Goobjoog News