U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaan Ku Baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Deegaanno Ka Tirsan Galgaduud

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Mahad Sheekh Cali Cibaar oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in gurmad bini’aadannimo lala gaaro deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in xaalad adag ay ka jirto deegaanno dhowr ah, islamarkaana laga gaabiyey in wax loo qabto.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Cibaar in shacabka ku dhaqan deegaanka Ceelhuur iyo deegaanno kale oo halkaasi ku dhow inaan la gaarsiin wax gargaar ah, dadkuna ay yihiin kuwo dhibban.

Waxa uu tilmaamay in maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaabiyeen mas’uuliyadda ka saaran shacabka ku nool Ceelhuur iyo deegaannada kale ee hoostaga.

Ugu Dambeyn xildhibaan Mahad Sheekh Cali ayaa ugu baaqay cid walbo oo Soomaaliyeed, hay’adaha samofalka ah, Galmudug iyo dowladda Federaalka in si siman loogu gurmado shacabka ku dhaqan gobolka Galgaduud, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay xaaladda adag iminka ka jirto.

Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah gobollada dalka ee abaarta ka jirto, waxaana jira deegaanno badan oo aan helin gurmadkii loogu talogalay.

Goobjoog News