U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaan Sheegay In Ciidamada Puntland Ay Gaalkacyo Ka Wateen Saddex Qof Oo Rayid Ah

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tarisan Galmudug  ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland in Koofurta Gaalkacyo ay ka xeysteen Saddex qof oo shacab ah.

Maxamed Xusen Tahliil oo kamid ah xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in Koofurta Gaalkacyo ciidan ka tirsan kuwa Nabad sugida puntland ay ka ka xeeysteen laba nin oo ganacsata ah iyo qof dumar ah .

Waxaa uu sheegay xildhibaanku in howlgakaa dadka lagu kaxeystay ay ka danbeeyeen ciidanka puntland oo  garab ka helayay saraakiil Maraykan ah ,isagoo maamulka Puntland ka dalbaday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo  dadkaasi.

“Maraykanka wuxuu caadeystay in Puntland ay war ka dhageystaan, ciidamada Puntland iyaga oo sheegaya iney Shabaab raadinayaan ayeey wateen Labo nin oo ganacsato ah iyo qof dumar ah, waxaan leeyahay halasoo daayo dadkaan, hadda kahor Maraykanka dadkeenna ayeey laayeen, hadana dadkeenna ayeey qafaasheen, waxaan leeyahay annaga dagaal iyo dhibaato ma rabno waa in Puntland ay soo celisaa dadkaan ay qafaalatay” ayuu yiri xildhibaanka.

Goobjoog News, waxay xiriir la sameysay saraakiisha ciidamada Puntland ee Gaalkacyo si arrintaan wax looga weydiiyo hase ahaatee ma aanay suurtagelin.

Goobjoog News