U bood dhigaalka

Ganacatada Garoowe Oo Looga Digey Kala Sooca Lacagta Shilin Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Maamulka dowladda hoose ee magaalada Garoowe ayaa ka digey in la kala saaro lacagta shilin Soomaaliga ah, kadib markii ganacsatada magaaladaasi ay maalmahan bilaabeen iney lacagta kala soocaan.

Xoghayaha maamulka degmada Garoowe C/qafaar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney la shirreen dhammaan ganacsatada ku sugan magaalada Garoowe ayna u sheegeen iney joojiyaan kala sooca lacagta.

Waxa uu tilmaamay xoghayaha inaanay sharci ahayn in la kala sooco lacagta, sidaasi darteedna wuxuu tilmaamay iney dhammaan ganacsatadii ay la shireen ay ammaradaasi qaateen.

“Waxaan la shirey qeybaha kala duwan ee ganacsatada, waxaan kala hadalnay iney joojiyaan kala sooca lacagta Shilin Soomaaliga, sidaasi darteed waxay inaga aqbaleen wixii aan u sheegnay, markii aan xog uruurin sameennay qolo walbo qolo kale ayeey saareysaa, marka lacagta waxaaba loo kala soocayey war meel uu ka yimid aan la ogeyn” ayuu yiri xoghayaha.

Labadii cisho ee ugu dambeysay waxay ganacatada Garoowe bilaabeen iney kala soocaan lacagta shilin Soomaaliga ah, taasi oo dad badan caqabad ay ku noqotay.

Goobjoog News