U bood dhigaalka

Ganacsatada Degmada Xudur Oo Diiday Qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Ganacsatada ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa diiday qaadashada lacagta shilin Soomaaliga ah, taasi oo saameysay dadka ku dhaqan degmadaasi.

Maxamed Macallin Axmed, guddoomiyaha degmada Xudur oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in sababta arrintan ay ka dambeysa tahay kadib markii lacago been abuur ah ay degmada soo galeen, maadaama ay ku xirnaayeen ganacsiga gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ganacsatada ay dalbadeen in wax looga iibsado doolarka Maraykanka , iyadoo ka maamul ahaan ay wadaan xalka arrintaasi ku aadan.

“Degmada Xudur ganacsigeeda wuu cakiran yahay, waayo ganacsatadii ma rabaan iney qaataan lacagta shilin Soomaaliga ah, sababta waxay tahay ganacsiga degmada ayaa ku xiran gobolka Hiiraan, halkaasina dhowaan waa laga diidey shilin Soomaaliga, annaga waan wadnaa dedaal aan ku xalineyno arrintaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, wasiirka wasaaradda maaliyadda K/galbeed Sheekh Xasan Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney ka warhayaan dhibaatada hadda ka jirta gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Xudur, ka maamul ahaanna ay sida ugu dhaqsiyaha badan arrintan ku xallin doonaan.

Qaar kamid ah xarumaha ganacsiga ee degmada Xudur waa ay xiran yihiin, waxaana jirta cabsi ah in dad haysta lacag shilin Soomaali ay hadana waayaan iney helaan waxyaabaha daruuriga u ah noloshooda.

Goobjoog News