U bood dhigaalka

Ganacsatada Khaadka Ee Muqdisho Oo Sheegay In Is Faham Ay La Gaareen Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada Khaadka ayaa isku fahmey in khaadka laga soo dajiyo garoonka Muqdisho, xilli Labadii maalin ee la soo dhaafey uu khaadka ka degayey Jowhar.

Cabdi Faarax oo kamid ah ganacsatada Khaadka ayaa Goobjoog News u sheegay in markii hore canshuurta ay ku dhib qabeen haddana la sii kordhiyay arrintaasna ay aad u adag tahay.

Wuxuu sheegay in markii hore ay canshuur ahaan ay bixin jireen lacag dhan 43 kun oo Shilin Soomaali ah Halkii Marduuf, balse markii dambe laga dhigay 53-kun oo shilin taas oo keentay iney u wareegtaan Jowhar.

“Kolley annaga faa’ido waxaan ku qabnay garoonka Muqdisho oo ammaan ahaa, balse markii lacag dheeraad ah nalagu kordhiyey waan diidnay, waxaase hadda nalaga daayey lacagtii dheeraadka ahaa” ayuu yiri Cabdi Faarax.

Dhanka kale Mr. Faarax ayaa sheegay inay socoto waanwaan dowladda iyo ganacsatada Khaadka ah, taasi oo wax lagaga qabanayo lacagaha canshuurta.

Goobjoog News