U bood dhigaalka

Ganacsatada Qudaarta Ee Kismaayo Oo Cabasho Ka Ah Xoolo Lagu Soo Daayay Suuqa

Sheeko:Dalka

Ganacsatada Qudaarta ee Suuqa Kismaayo ayaa ka cabanaya xoolo lagu soo daayay suuqa magaaladaasi, ayna dhibaato u geystaan Qudaartooda.

Qaar kamid ah haweenka ka ganacsada qudaarta ayaa u sheegay Goobjoog News, in xoolahan oo u badan lo ay cunaan qudaarta, mararka qaarna ay jajabiyaan qudradda jilicsan.

Seynab Maxamed Madoobe ayaa inoo sheegtay in si kas ah xoolahan loogu soo daayo Suuqa, islamarkaana aanay jirin cid celineysa.

“Dhibaataan ku qabnaa, Yaanyadii oo annagaba faa’ido yar ka raadineynay ayeey naga cunayaan, gasacii yaraa wey daadinayaan, wey ku istaagayaan, Babaygana sidoo kale, kas ayaa naloogu soo daayey, annagane ma dili karno waxan ileen waa xoolo” ayeey tiri Seynab.

Maamulka magaalada Kismaayo weli waxbo kama aanu qaban xoolahan lagu soo daayo magaalada dhexdeeda gaar ahaan suuqa qudaarta ee magaaladaasi.

Goobjoog News