U bood dhigaalka

Ganacsato Eedeysay Maamulka Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah ganacsatada ku ganacsan jiray suuqa Cali Boolaay ee degmada Waabari ayaa iyaga oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in suuqaasi laga burburiyey, iyaga oo arrintaasi ku eedeeyay maamulka gobolka Banaadir.

Gaadiidka Cagafta ayaa dhammaan lagu burburiyey suuqan sida ay muujinayan muuqaallo ay ganacsatu Taleefanno ku duubeen, islamarkaana ay saxaafadda tuseen.

Ganacsatadan waxaa kamid ah Hooyooyin Soomaaliyeed, waxay Goobjoog News u sheegeen in muddo ay halkaasi ku ganacsanayeen, hase ahaatee mar qura loo sheegay in la burburinayo Suuqa, sidaasina lagu burburiyey.

“Magacaygu waa Caasha Maxamed Afrax, waxaan kamid ahaa dadka ku ganacsanayey Suuqa Cali Booleey, laanta horseed ee degmada Waaberi, horey dowladda ayaa meeshaan inoo dejisay, hadane iyadaa nagu soo laabatay, suuqaan waxa uu shaqeynayey illaa dowladdii Maxamed Siyaad, shaqsiyaad ayaana dhulkaasi lagu gatay”

Waxay ganacsatadan ka codsadeen dowlada federaalka Soomaaliya in ay farogelin ku sameyso dhulkaan laga barakiciyey, haddii ay wax ka ogtahayna waxay ugu baaqeen in meello kale ay dejiso.

Suuqa Cali Boolaay ayaa ku yaallay dhul ay lahayd dowladda dhexe ee dalka, waxaana suuqaasi ka adeegan jiray shacabka ku dhaqan degmada Waabrei iyo nawaaxigeeda, wuxuuna ahaa suuq muddo shaqeynayey laguna iibinayey wax walbo oo lagama maarmaan u ah nolosha bini’aadamka.

Maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Waaberi weli kama aanay hadal suuqan ay burburiyeen iyo waxa ka jira in shaqsiyaad halkaasi laga iibiyey.

Goobjoog News