U bood dhigaalka

Garoowe: Ciidankii Gadoodsanaa Oo Dib Ugu Laabtey Xeryahoodii

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii Daraawiishta Puntland ee ka gadooday mushaar la’aanta ay dib ugu laabteen xeryahooda, kadib waan waan saacado badan qaadatey oo dhanka waxgaradka ku dhammeeyeen tabashadii ciidamada.

Saq dhexe xalay waxay ciidamadan fasaxeen gaadiid badan oo ku xayirnaa Koontaroolka magaalada Garoowe, kuwaasi oo doonayey qaarkood iney gudaha magaalada soo galaan, halka kuwo kalena ay doonayeen in magaaladaasi ka baxaan.

Waxgaradka Puntland ayaa ku qanciyey saraakiisha ciidamadan hoggaamineysay iney heli doonaan xuquuqdooda ay u doodayaan, balase aaney amniga qalqal gelin.

Ciidamada Puntland ayaa mudooyinkaan dambe aad uga cabanayey mushaar la’aan baahsan, waxayna ciidamadan marar badan la wareegeen xarumo muhiim u ah maamulka Puntland.

Goobjoog News