U bood dhigaalka

Gen.Muxyadiin Axmed oo hubkii iyo ciidankii wareejiyay

Sheeko:Dalka

Kulan galabta oo Isniin ah ka dhacay duleedka Konfur Bari Garowe ayaa salka ku hayay wareejinta hubkii iyo ciidankii uu hoggaaminayay Taliye ku xigeenkii hore Booliska ‪Puntland Muxyadiin Axmed Muuse. Waxaa goobta joogay Taliyaha ciidanka Daraawiisha Puntland Gen.Siciid Dheere. Wasiiradda Amniga Caafimaadka. Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Gen.Jimcaale Takar. Islaan Ciise iyo Suldaan Siciid Garaase.

Hubka iyo Ciidankan ayaa la hoos geeyay Gen.Jimcaale kuwaasoo ka mid noqonaya ciidanka dowladda, waxayba dib ugu laabanayaan xarumihii ay soo faarujiyeen.

Isimadda Gobalka Nugaal ayaa soo dhaweeyay sida wanaagsan ay tanaasulka u sameeeyeen Muxyadiin iyo Cabdi Yare waxa kale oo sheegen inaysan waxba ka wanaagsanayn nabada iyo midnimadda.

Dadaalada lagu dhameeyay xiisadii Qarxis iyo qancinta saraakiishaan waxaa dowr ka qaatay Isimadda Gobalka Nigaal iyo madaxwaynaha ‪Jubbaland Axmed Madoobe iyo RW Federaalka Sharmarke.

Gen.Muxyadiin oo kulankii galabta ka hadlay ayaa sheegay inay mar kasta u taagan yihii difaaca ammaanka iyo jiritaanka Puntland wuxuna sheegay inay dhankooda tanaasul sameeyeen.

Gen.Siciid Maxamed Xirsi oo ah Taliyaha Ciidanka Daraawiisha ayaa dhankiisa khudbad uu u jeediyay ciidankii gadoodey ee dib usoo laabtay ku baraarujiyay inay dhexda u xirtaan sidii ay uga soo bixi lahaay waajibaadka ka saaran Dalkooda.

Tilaabadan lagu dhameeyay xiisadii taagnayd ayaa soo afjaraysa hadalo bulshadu isla dhexmaraysay oo ahayd inay Puntland bur buri doonto.

Goobjoog News