U bood dhigaalka

Gen. Qaalib oo Dib u Dhaca Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland Ku Eedeeyay Hannaanka Doorashooyinka Dadban  

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashooyinka aqalka sare ee beelaha waqooye Gen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ku eedeeyay dib u dhaca doorashooyinka aqalka sare Hannaanka doorashooyinka Dadban ee dalka.

Guddoomiye Jaamac oo ay Goobjoog News la yeelatay wareysi gaar ah ayaa ayaa ugu horreyn noo sheegay in aaney jir wax iyaga dhankooda ay ka gaabiyeen:

“Annaga qabanqaabda waa noo dhamaatay, Bil ka hor baanu dhameynnay howsha in doorashadii la qabto ayuunbaa dhinneyd, waxaad moodda hay’ado kale oo guddiyada doorashada ah ayaa haysta ,agabkii vote-ka lagu geli lahaa iyo shaqaalihii vote-ka sameynayay waxaas oo dhan iyagaa haysta, annaga waa naga diyaar waan u gudbinnay, hadba maalin bay noo qabanayaan guddiyada doorashooyinku kadibna waxba ma soconayaan”.

Jaamac waxa uu sheegay iney maqleen in la wado nimaad ka duwan habkii ay wax u wadeen, baaritaanna ay u direen cidda ka dambeysa:

“Haddana xan kale ayaa nasoo gaaraysa oo niman kale oo aan annagu gudbin baaba lagu soo daray, shalay SID ayaan warqad u dirnay oo aan leenahay baara arrimaha noocaas ah, meelo ayaa laga haystaa ee annaga xagayaga maaha”.

Waxa uu eedeeyn u soo jeediyay hannaanka doorashooyinka ee uu madaxda ka yahay Cumar-Dhagey, guddiga doorashooyinka heer federaal iyo kan heer maamul-goboleed, waxa uuna yiri:

“Habka Federaalka oo Cumar Dhagey uu madaxda ka yahay iyo mid kaleeto oo la yiri aqalka hoose oo Waqooyi qaabilsan doorashooyinka dadban, kuwaas ayaa waraaqaha haysta, annaga nalooma dhiibin oo ma haynno, sidoo kale; kuwan wax dooranayaa guddoomiye ayay sameysteen si loola xidhiidhi karo, kaa naftarkiisana cagajiid ayaa ka muuqda oo sida muuqata waxa uu rabaa inaan doorashada la socodsiin, meel laga xakameynayo isaga waan garan weynnay, waxaas oo dhan baa jira, dhowr jeer baan ka ashkatoonnay, Dorraato xitaa Jawaari baan ka arkay, Barrito iyo Saadambe sida ay noo lahaayeen, hadda baryahan waaba naga aamuseen”.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay iney jiraan caqabado adag oo hortaagan qabashada doorashooyinka aqalka sare:

“Meel ay ka xiran tahayba iney dhacdo la dooni maayo, taakooyin baa loo dhiganayaa waxay tahay aan la garaneyn, cidda haysata war uma haynno laakiin caqabadahaas ayaaa jira aan kuu sheegay”.

Waxa uu Gen.Qaalib noo sheegay iney jiraan illaa musharrixiin gaaraya Soddomeeyo oo u taagan qabasha xilka Sen.Aqalka sare ee xubnaha Somaliland, cidda wax dooraneysaana ay tahay Oday dhaqameed ka tirsan beelaha Somaliland oo gaaraya illaa 23 xubnoo iyo  23 qof oo ay iyagu soo xulanayaan.

Doorashada aqalka sare ee xubnaha Somaliland ayaa lagu waday in la soo la gabagabeeyo Isniintii la soo dhaafay iyadoo illaa haddana aaney jirin maalin goonni ah oo loo cayimay iney doorashadaasi qabsoonto.

Goobjoog News