U bood dhigaalka

Aqalka Sare Ee Golbollada Waqooyi Oo U Xayiran Kuraas La Isku-heysto

Sheeko:Dalka

Guddiga Qabanqaabada Doorashooyinka Aqalka Sare ee Somaliland ayaa ka hadlay qabsoomi la’aanta dhameystirka doorashada xubnaha aqalka sare ee matalaya Somaliand.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka aqalka sare ee xubnaha matalaya Somaliand Gen. Jaamac Maxed Qaalib oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in doorashada aqalka sare ee xubnaha Somaliland u xayiran tahay kursi gobolka Sanaag ah oo aan illaa iyo hadda lagu heshiin, laakiin wadahadalkiisu uu u socdo.

Jaamac Maxamed Qaalib, “Kulamo ayaa waxaa u socda odayaashii Waqooyi kursi ka mid ah kuraasta Sanaag ayaa la isku haystaa, haddii ay odayaashu ku heshiin ayaa doorashada la galayaa”.

Doorashada xubnaha aqalka sare ee matalaya Somalialnd ayaa dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid, iyadoo isla maantaba la filayay in doorashadaasi ay Qabsoonto.

Goobjoog News