U bood dhigaalka

Go’aanka Hindiya Kadib, Waalidiin Dalbanaya In Caruurtooda La Soo Daayo

Sheeko:Dalka

Waalidiinta ay ilmahooda ku xiranyihiin dalka Hindiya ayaa waxa ay codsanayaan in si degdeg ah loo soo daayo ilmahooda kuwaas oo ay sheegeen in dhibaato badan ku haysto xabsiga gudahiisa.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxay sheegay in ilmahooda ay dhibaato xun ku heysato dalka Hindiya iyaga oo intaa raaciyay in dowladda Faderaalka Soomaaliya ay waxbadan cabasho u gudbiyeen balse aan dheg jalaq loo siinin.

Xaliimo Kulane Cali oo ka mid ah waalidiinta ay ilamahooda ku xiranyihiin Hindaya ayaa waxay sheegeysaa in caruurtooda ay dhibaato badan ay  heysato waxay hoosta ka xariiqday in safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya uu qeyb ka yahay dadka dhibaatada u geysanaya caruurtooda,waxay ay tilmaantay in safiirka uu caruurta uu ku qasbo inay qirtaan dambi aysan laheyn.

“ Annaga ilmaheena way ku rafaadeen Hindiya way ku dhibaatoodeen xabsiga gudahiisa, waxaana u sii dheer jirdil, Safiirka Soomaaliya u fadhiya waxa uu dhalinyarada ku qasbaa inay qirtaan dambi aysan laheyn”.

Xaliimo Kulane Cali ayaa dhanka kale sheegtay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay dhowr jeer ay damceen inay kala hadlaan arinta Hindiya, balse waxa ay sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda oo ay booqdeen loo diiday inay al-baabka ka galaan.

Dhawaan ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxa ay shaacisay in dowladda Hindiya iyo Soomaaliya ay is dhaafsan doonaan maxaabiista dadaalkeedana uu socdo sida  ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya.

Dalka Hindiya ayaa waxaa ku xiran maxaa biis badan oo Soomaali ah kuwaas oo gaaraya 118 qof, waxayna dowladda Hindiya ay sheegtay in maxaabiistaan ay ku soo qabteen falal burcad badeednimo.

Goobjoog News