U bood dhigaalka

Go’aannada Ka soo Baxay Shirka Golaha Wasiirrada

Sheeko:Dalka

Shirkii golaha wasiirrada ee khamiista oo uu shir guddoominayey wasiirka koowaad waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah,

Amniga Muqdisho: Waxaa laga hadlay qorshaha amniga Muqdisho,  iyadoo lala kaashanayo Gobolka Banaadir iyo maamulada degmooyinka caasimada iyadoo laga qeybgalinayo shacabka, lana dhaqangelinayo barnaamijka deriseynta.

Guddiga adeegga bulshada: waxaa laga warbixiyay qorshahiisa ku aadan dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka, golahuna isla gartay in sharciga dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka la dhaqangeliyo isla markaasna ay wasaaradu sida ugu dhaqsiyaha badan horkeento golaha nidaamka guddigan.

Gargaar: Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay horumarka laga sameeyey isku-dubaridka iyo xiriirinta howlah gurmadka abaaraha isla markaasna sheegtay in 6 milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gargaar deg-deg ah wasaaradana diyaarisey nidaamkii lagu hagaajinayey xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda.

Xamaalatada Dekadda: Waxaa laga hadlay  qorshe lagu casriyeynayo dekedda isla markaasna lagu daryeelayo xoogsatada iyo xamaaliga si ay u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah.

Server-ka .S: Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa isagana ka warbixiyey xaalada .SO sheegeyna inuu heshiis la galay shirkadihii maamulayey server-ka oo lagu heshiiyey in loo soo rari doono Muqdisho oo dowladdu ay toos u maamuli doonto marka la soo dhameystiro hirgelinta qorshaha lagu heshiiyey.

Ugu danbeyntii Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa sheegay inay wadaan qorshe xal loogu helayo arrimaha gaadiidleyda iyo sidii dadka danta yar ay u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradu qorshe lagu casriyeynayo howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo Duulista hawada, dhowaana golaha hor-keeni doono qorshe dhameystiran ee la xiriira arrimahan.

Gooboog News