U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Loo Magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenno Cusub Iyo Xoghaye

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeennada cusub ee maamulka gobolka Banaadir, iyadoo kuwii horena xilka laga qaaday.

Waxaa la magacaabay Afar guddoomiye ku xigeen iyo sidoo kale xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, iyadoo xubnaha la magacaabay ay ku jiraa Labo haween ah.

Magacyada xubnaha cusub:

1-G/kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir.

2- Gudoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay Mudane Saalax Sheekh Maxmaed

3-Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay Mudane C.laahi Xaaji Erig.

4-Gudoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay Aadan Sheekh Cali

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir waxaa loo magacaabay Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmahan waday isku dubaridka dowladdiisa cusub, iyadoo horraantii bishan uu magacaabay madaxweynaha taliyeyaasha ciidamada dowladda.

Goobjoog News