U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir: Shuruudaha Xulashada 1000 Shaqaale Cusub Oo Lasoo Bandhigay

Sheeko:Dalka

Barnaamijkaan ayaa Waxaa Daah Furay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Casimadda Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed qaar kamid ah Ku Xigeenadiisa, Xog-hayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mdane Thaabit Cabdi Maxamed oo kahadlay Munaasabadan ayaa sheegay in dhalinyaradan 1,000 ay tahay farsadeeda ay ka faaiideysanayaan Muqdishaawiyiinta Mudan ee dhalinyarada Shaqo l’aanta ah ee Caasimadda ku nool.

Qaar ka mid ah Shuruuda Xulashada:
1-In uu yahay qof degmada uu ka tartamayo Degan yahay.
2- in uu heesto Shahaado Dugsi Sare Ugu yaraan.
3- In uu jiro da’ ahaan 18 ilaa 29 sano.
4- in uu CV-ga geeyo Degmada uu degan yahay, kana qeyb galo Imtixaanka
5- in uu xariir laleeyahay Dhalinyarda Degmada, leeyahay xirfadaha Isticmaalka Computer-ka ( Microsoft & Word ), iyo kuwo kale.

Fursadan Shaqo waa u simabyihii Wiilasha iyo Gabdhaha, Number isla eg ayaana laga qaadanayaa degmo kasta.
Sidoo kale waaxaa fursadahaan wax ku leh dadka Baahyada gaarka ah qaba, oo doorkooda lasiin doono.

Degmo kasta waxaa laga soo xulayaa 58 Dhalinyaro ah, waxaana nidaamka xulida ka wada shaqeenaya Gudi isugu jiro Heer degmo iyo Heer Gobolka.

Goobjoog News