U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka: Al-shabaab Waa Khatar Nabadda Hortaagan

Sheeko:Dalka

Golaha Ammaanka ee qaramada midoobey gaar ahaan guddiga u xil-saaran cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya Eritrea oo khamiistii kulan ka yeeshay arrimaha labadaasi dal ayaa ka hadlay arrimo badan oo  khuseeya Soomaaliya sida amniga, cuna-qabateynta hubka, ka ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya.

Kairat Umarov (Kazakhstan) oo ah madaxa guddigan ee golaha ammaanka waxaa uu sheegay in ciidamo nabad ilaalin aan looga maarmeyn Soomaaliya, waxaa uu intaa raaciyay in 4tii bil ee la soo dhaafay baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen in Eritrea iyo Al-shabaab aanu dhex marin wax xiriir ah. Kooxda ayaa sidoo kale baartay halka ay yimaadeen ama loo waday keydka 25,000 hub ah oo laga helay Soomaaliya.

Guddigan waxaa kaloo Al-shabaab ay ku eedeeyeen in ay wadaan ka ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha, iyaga oo Al-shabaab ku tilmaamay khatarta ugu weyn ee nabadda hortaagan.

Golaha ammaanka waxaa uu walaac ka muujiyay burcad badeedda, waxaa kaloo uu soo jeediyay in la taageero guulihii dhawaan laga gaaray doorashadii dalka ka dhacday.

Qaar ka tirsan dadka hadlay waxaa ay soo jeediyeen in xoogga la saaro kooxaha ay ugu yeereen argigixisada sida Al-shabaab iyo Daacish.

Goobjoog News