U bood dhigaalka

Golaha Shacabka: Guddiga Doorashada Oo Warbixinta Doorashada 2021ka Laga Dhageystay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta golaha shacabka waxaa ay u gudbiyeen qoraallo dhowr ah:

Guddiga qoraalladooda waxaa ka mid ahaa jawaabo illaa 9 ah oo ay ka bixiyeen su’aalo doorashada ku saabsan oo golaha shacabka uu horay u weydiisteen in looga jawaabo.

Guddiga ayaa sidoo kale golaha shacabka soo hordhigay warbixinta 4tii bilood ee la soo dhaafay, waxaa ku jira arrimo guddiga ku saabsan, howshooda, qaab dhismeedkooda, waxqabadka guddiga, qorshaha 5ta sano, hannnaaka loo maray istaraatiijiyadda guddiga, wadatashiyada ay sameeyeen, qabyo qoraalka guddiga, qorshaha shaqo ee guddiga 2017-ka, la tashiga hey’adaha dowladda sida aqalka sare, la kulanka wasaaradaha, safarrada shaqo ee guddiga, Tababarrada iyo arrimo kale.

Guddiga waxaa ay golaha hordhigeen qorshaha guddiga doorashada 2017-ka 2021-ka, taas oo aqalka hoose uu soo akhrin doono.