Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Miisaaniyad Dhan $260 Milyan

Jawaari iyo Mooshinka

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah  oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa dhageystay warbixinta guddiga maaliyadda, taasi oo ugu dambeyntii cod loo qaaday Miisaaniyadda sanadkan 2017-ka, Miisaaniyadda oo aheyd $245.9  ayaa dib u eegis kadib laga dhigay $260 Milyan.

Illaa 170 Xildhibaan ayaa joogay kulanka, cod loo qaadey miisaaniyadda 167 ayaa ogolaatay,  2 Xildhibaan ayaa diiday halka xildhibaan uu ka aamusay.

Akhriso Miisaaniyadda oo faah-faahsan:

Goobjoog News