U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Qaraarka Ku Saabsan Gurmadka Deg-degga Ah Ee Abaaraha.

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka golaha shacabka ee maanta waxaa la ansixiyay qaraarka ku saabsan gurmadka deg-degga ah ee abaaraha.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa ansixinta kadib, waxaa ay soo jeediyeen in guddiga abaaraha qaran ay hor yimaadaan golaha shacabka isla markaana sharaxaan lacagta ay hayaan iyo halka ay ku baxday, iyaga oo intaa raaciyay in loo baahan yahay in la sameeyo website ay warbixinta kala socdaan.

Waxaa kale oo goobta lagu qeybiyay qaraaro ku saabsan:

Doorashada Guddoonka golaha shacabka

Qaraar ku saabsan wax ku kordhin qodobada xeer hoosaadka KMG ah ee qeybta doorashada madaxweynaha

Qaraar ku saabsan ansixinta ra’isul wasaare Xasan Kharye

Iyo Arrimo kale.

Ugu dambeyntii, golaha waxaa uu galay shir albaabada u xiran yihiin oo saxaafadda laga saran, lamana oga waxa ay ka hadleen.