U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Cafiyey Wasiir Xoosh Kadib Raaligelin Uu Bixiyey

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta cafiyey wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil kadib markii maalmahan ay wasiirka ku dheganaayeen qaar kamid ah xildhibaannada golahaasi.

Wasiirka oo maanta hortagay xildhibaannada golaha shacabka ayaa ka cudurdaartay qoraal uu dhowaan ku baahiyey bartiisa Twitterka, isaga oo sheegay iney tahay qalad uu galay, kana raaligelinayo xildhibaannada.

Waxa uu wasiir Xoosh balanqaaday inuu xoojinayo xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka, xilli walbo oo loo yaarana uu imaan doono.

“Hadaan ogaan lahaa inuu heerkaas na gaarsiinayo masoo qori lahayn runti, wax xumaan ah oo qof ugala jeedayna ma jirin, waxaan rabaa inaan idiin sheego aniga waxaan u haystaa in baarlamaanku yahay hay’adda aasaasiga u ah hay’adaha kale ee dowliga ah, waxaan ahay qof aaminsan dowladnimo, dowladnimo ayaan kusoo koray inta baarlamaankaan ku jirto 142 shaqsi saaxiibada hore iskula jirnay kuligoodna aan kala siyaasad ahaanno laakiin saaxiib baan ahayn wanaag mooyee wax dhibaato nagama dhicin, Labada qof ee siyaasadda aad ugu kala duwaneyn baarlamaanka dhexdiisa ku doodi jirnay waxay ahaayeen Caasho Koos iyo Cali Ganey iyagana saaxiibo Lillaahi baan nahay oo shaaha waan isla cabnaa, walaalayaal waxaan idin dhihi lahaa haddii hadalladii aan qoray ay xanaf qaarkiin idiin keentay inaad raali ka noqotaan, ulajeedkayga ma ahayn inaan baarlamaanka u gafo, baarlamaanka isagaa la igu dhaariyey waxaan idinka baryayaa taasi inaad iga qaadataan, waxaan idiin balanqaadayaa inaan wada shaqeynno, shaqo badan baa inaga dhaxeysa, waxaan balanqaadayaa in si hufan idin kula shaqeeyo, markaad ii yeertaan idiin imaado, su’aalaha aad qabtaanna idiin kaga jawaabo” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn xildhibaan C/fitaax Daahir oo kamid ah mudanayaashii mooshinka ka keenay wasiir Xoosh iyo sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad oo taageersanaa mooshinkaas ayaa hadal ay jeediyeen ku sheegay iney cafiyeen wasiirka.

Waxay uga digeen wasiirada kale ee xukuumadda iney wax ka sheegaan arrimaha baarlamaanka iyo sharciyaddiisa.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa horey ugu kala qeybsanaa mooshinka dib u eegista xilka wasiirka Xoosh, walow ugu dambeyn la is fahmay.

Goobjoog News