Golaha Shacabka Oo Diiday Doorasho Lagu Noqonayo, Soona Bandhigay 6 Sabab Oo Xubinnimada Lagu Waayi Karo
Sheeko:Baarlamaanka
Golaha shacabka ayaa kulankiisa maanta go’aamiyay in natiijada doorashada 275-ta 2016-ka ay xalaal iyo kama dambeys tahay, isla markaana aan dib loogu celin doonin.
Codbixin qaraar loogu codeeyay sugidda xubinnimada iyo qaabka lagu waayo kursiga golaha waxaa ogaaday 180 Xildhibaan halka 4 ay ma aamuseen.
Golaha waxaa uu sidoo kale ka hadlay in sababta keliya ee doorashada loogu celin karo ay tahay 6-da qodob.
- Xubinta oo Geeriyoota.
- Xubinta oo ay la soo gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed joogta ah.
- Xubinta oo istaqaalad u gubdisa aqalka ay xubinta ka tahay, laguna ogolaado.
- Ka-maqnaashiyo labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aaney jirin sabab maangal ah.
- Haddii ay xubinta aqbasho xil dowladeed aan wasiir aheyn.
- Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaadinnimo, sida ku cad sharciga.
Goobjoog News