U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Isku Raacay In Xukuumadda Khayre Sharaxdo Heshiiska Berbera

Sheeko:Baarlamaanka

Aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo hadda ku shiraya xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in ra’isul wasaare Xasan Khayre iyo xukuumaddiisa laga dalbado in ay hor yimaadaan golaha shacabka, sharaxaadna ka bixiyaan heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka ee Berbera.

Arrintan ayaa timid, kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari la weydiiyay sababta uu u hortaagan yahay in mooshinka la furo, halka isagana uu isku difaacay in aanan laga doodi karin wax aan fikrad laga heyn, isla markaana ay haboon tahay in uu warqad u diro ra’isul wasaare Khayre iyo golaha wasiirrada, kana codsado in ay horyimaadaan baarlamaanka federaalka ah, sharaadna ka bixiyaan heshiiska Berbera.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa isku raacay in sidaasi la sameeyo, waxaana la filayaa in saacadaha soo socota laga dalbado ra’isul wasaare Khayre in uu horyimaado golaha, sharaxana heshiiska Berbera iyo meesha ay dowladda ka taagan tahay.

Goobjoog News