U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ka Doodaya Sababta Wasiirka Dastuurka Xoosh Jibril U Iman Waayey Golaha

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa dood adag ka leh maanta sababta  uu u hor iman waayey wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril .

Wararka ay Goobjoog News ka heleyso hoolka golaha shacabka oo hadda uu kulanka ka socda ayaa sheegaya in wasiirka Dastuurka Xoosh Jibril uu warqad cudur-daar ah golaha u soo diray todobaadkii hore isaga oo sheegtay xaalad caafimaad, codsanaya in uu golaha hotrago 11 August , 2017-ka.

Xildhibaannada golaha shacabka oo hadda ka doodaya codsiga wasiirka ayaa ku kala qeysan, qaarkood ayaa soo jeediyay in aan mar-marsiyahaasi laga dhageysan Xoosh halka qaar kale ku doodayaan in qofka uu xanuusan karo, lana tixgeliyo.

Wararkaas kala soco, Goobjoog News