U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Maanta Warbixin Ka Dhageysan Doona Guddigii Loo Xilsaaray Arrinta Qalbi Dhagax

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay warbixin ka dhageystaan guddigii loo xilsaaray arrinta Qalbi Dhagax.

Waxay guddigan ay golaha shacabka la wadaagi doonaan natiijada wixii ay soo heleen iyo sidoo kale qaabka ay ku suurtagasy in Itoobiya loogu wareejiyo Qalbi Dhagax.

Guddiga golaha shacabka u saaray in ay soo baaraan go’aanka xukuumadda 6-da September ka qaateen Cabdikarim Qalbi Dhagax, Jabhadda ONLF  iyo heshiisyada la sheegay in ay soo galeen xubno ka tirsan dowladda ayaa codsaday in la siiyo maalmo kooban si ay u soo gudbiyaan warbixintan dhameystiran.

Xildhibaan Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ka tirsan guddiga oo ka hadlayey kulanka golaha shacabka 28-aad, kalfadhiga 2-aad ayaa sheegay in golaha ay siiyeen waqti, shaqo fiicanna soo qabteen isaga oo intaasi ku daray in uu soo dhammaaday qorista warbixinta, balse u dhiman wax yar oo ay codsanayaan maalmo kooban.

Guddoonka golaha ayaa guddiga waxaa uu siiyay illaa sabtida oo maanta ku beegan, si looga dhageysto warbixinta oo dhameystiran.

Dhowr mar ayey horay u baaqatay warbixinta guddiga laga sugayey, waana ballantii ugu dambeysay ee loo qabto si ay u soo gudbiyaan qoraal ay sugayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News