U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Oo Muumina Sheekh U Ansixiyay Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan

Sheeko:Dalka

Kulanka golaha wasiirrada ee Khamiistii, waxaa lagu ansixiyay Mumina Sheikh Cumar si ay ka mid noqoto Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan.

Wasiir ku xigeenka Dastuurka Xussein Cabdi Cilmi ayaa golaha wasiirada u soo gudbiyey talo soo jeedin ku aadan buuxinta xubin ka mid ah Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan oo horey u bannaanaatay.

Wasiir ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan in Marwo Mumina Sheikh Omar oo horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan, lehna aqoon, waayo aragnimo, karti iyo hufnaan si ay u buuxiso booska bannaan oo ay xubin uga noqoto Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib si wadar-oggol ah u ansixiyey in Mumina Sheikh Omar ay xubin ka noqoto Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka. Wasiirka Dastuurka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii booska bannaanaaday ay u buuxin laheyd shaqsi dumar ah oo leh waayo aragnimo, karti, hufnaan, aqoon iyo iyadoo horey dalka mas’uul uga soo noqotay. Golaha Wasiiradda ayaa Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Dastuurka ku ammaanay dadaalkooda iyo soo xulitaanka shaqsi ku habboon xilkan culus, tanoo ah tallaabo horey loo qaaday.

Muumina waxaa ay horay u soo noqotay wasiir ku-xigeenka haweenka iyo xuquuqul Insaanka, waxaana iyada iyo guddiyada dastuurka hor-yaalla sidii looga dhammaan lahaa dib-u-eegista arrimaha dastuurka.

Goobjoog News